Taxiförares rättigheter på somaliska

Asxaabta taksileyda! Taxikamrater!

Taxi. Xuquuqdaada oo kooban. Kort om dina rättigheter som taxiförare - på somaliska.

Xaaladda cakiran ee Corona ayaa degdeg ku noqotay qaar badan oo taksileyda ka mid ah. Wax badan ayaan kala caddayn. Xeerarka cusub ee taageerada ayay adag tahay in luuqad cusub lagu fahmo.

Maxaan sameeyaa haddii aanan mushaar helin? Sideen aniga iyo reerku nolosha u maareeyn kareynaa?

Maxaan mucaawinno ah oo aan heli karaa haddaan shaqo la’aan ahay?

Siday u shaqeeysaa Khasnadda shaqa la’aanta a-kassa? Shaqo ka fariisi/shaqo saacado yar maxey yihiin?

Si sahlan ayaan halka isugu dayeynaa inaannu uga jawaabno su’aalahaa.

Warbixin intaa dhaafsiisan ka daalaco www.transportarbetaren.se  iyo xiriirrada bogagga kale ee muhiimka ah.  

Mushaarku haddaanu soo dhicin

  • Markiiba la xiriir shaqa bixiyahaaga! Isla maalintaaba inaad la xiriirto ayaa wanaagsan. Masuulkaaga ayaa laga yaabaa inuu ku yiraahdo mushaarkii wuu kuu iman doonaa, laakiin maalin kale. Waxaad markaa ku oranaysaa haa haddii uu maalin keliya soo dib dhacayo, maalin bangiyadu shaqeeyaan. Waxay ka dhigan tahay isniinta 27-ka bisha abriil. Waa muhiim arrinkaasi. Dakhli ayaad ku waayi kartaa haddii aad un tiraahdo waa yahay maalin kale oo aad sugto.
  • La soo bax waraaqo caddeeyneya inaad mushaar xaq u leedahay. Waxay noqon kartaa warqaddii shaqaaleeynta (qandaraas muujinaya inaad mulkiilaha u shaqeeyso). Waxay noqon kartaa warqad caddeeynaysa in bil hore mushaar kuu soo dhacay – lönespecifikation.
  • Haddii aad xubin ka tahay ururka shaqaalaha: La xiriir laantaada ururka shaqaalaha ee gaadiidka, www.transport.se.

Haddii aad halis ugu jirto inaad shaqadaada ku waydo

In lagugu wargeliyo ruqsad macnaheedu maahan inaad shaqadaadii lumisay. Waa digniin inay sidaa noqon karto.
Haddii uu shaqa bixiyuhu ku ruqseeyo.

  • Ruqseeyntu waa inay qoraal noqoto. Kuma filna oo keliya in afka laga sheego in aanay shaqo jirin!
  • Caddeeyn ka dalbo shaqa bixiyaha: warqad caddayn ah intaad shaqeeysay (inta saacadood bishiiba) sannadkii ugu dambeeyay. Shaqa bixiyuhu waa inuu qoraa caddayn! Waxaana loo baahan yahay inaad caddayntaa haysato si aad gunnadaada uga hesho khasnadda shaqa la’aanta ee lagu magacaabo a-kassan.
  • Waxaad xaq u leedahay mushaar muddada ruqsadda. Waa wakhtiga illaa inta shaqaaleeyntaadu ka dhammaaneeyso.
  •  Wakhtiga ay le’eg tahay illaa inta laga gaarayo xilliga ruqsadda ayaa kala duwanaan kara. Waxay ku xiran tahay muddada aad shirkadda u shaqeeyneeysay. Sanooyin badan haddaad u shaqeeyneeysay waxay noqon kartaa lix bilood. Xilliga ugu yar waa hal bil. Samee inaad hesho mushaarkaaga xitaa haddii aadan u baahan inaad shaqada joogto!

Waxaa kula soo gudboonaatay kicid/busaarad

Shirkadaha gaadiidku waxay kicidda/busaaradda kaga baxsan karaan iney dalbadaan dib u habayn – rekonstruktion. Waxay macnaheedu tahay in

mulkiilaha suurtagal loo siiyo inuu shirkaddiisa sii wadan karo, oo uu shaqada ku sii haysan karo qaar ka mid ah shaqaalihiisa.
Haddii shirkadda aad ka shaqeeysaa ay kacdo, oo aanay deeymeheeda iska bixin karin:

  • Ku talo gal inaad shaqada sii waddo haddii aan lagu ruqsayn.
  • Ururso waraaqo ey ku cad yihiin dhaqaalaha aad shirkadda ku leedahay (mushaarka wixii aad ku leedahay).

Kolka shirkaddu kacdo waxaa caadiyan dhacda inaan shaqaalaha mushaar la siin. Sidaa daraadeed waxaa jira dammaanad. Waa dawladda cidda bixinaysa mushaarkaaga. Waxaana shaqaalaha inta badan ruqseeya cid dammiin ka ah dawladda – konkursförvaltaren oo dawladda u qaabilsan busaaradda.

  • Muddada ruqsadda waxaad xaq u leedahay mushaarkaagii caadiga ahaa.
  • Iska diiwaan geli xafiiska shaqada maalinta ugu horreeysa ee ruqsadda lagu siiyo oo shaqada lagaa fasaxo! Sida ugu sahlan waxaa la isaga diiwaan gelin karaa bogga xafiiska, www.arbetsformedlingen.se. Uma baahnid inaad xafiiskooda tagto.

Waxaa dhici karta inaad dakhligaagii ka sugto mushaarka damaanadda. Waa la dedejiyaa, laakiin inta badan waxay qaadataa ugu yaraan saddex toddobaad.

Ma leedahay heshiis wada jir ah – kollektivavtal?

Haddii aad ka shaqeeyso shirkad ku jirta heshiiska wada jirka waxaad xaq u leedahay mushaar dammaanad ah. Waxay quseeysaa dhammaan shaqaalaha joogtada ee shirkadda, tusaale ahaan Taxi Stockholm iyo dhammaan shirkadaha gaadiidka ee hoos yimaada dalladooda.

Ma ku shaqeeynaysay heshiis aan wada jir ahayn?

Iska diiwaan geli xafiiska shaqada! Sidoo kale la xiriir khasnadda shaqa la’aanta ee a-kassa. U sharrax xaaladdaada, haddii aad ahayd shaqaale joogto ah oo aan mushaar dammaanad ah lahayn oo iminka aanu wax dakhli ah ku soo gelin.

Taageerada ururka shaqaale

Si ay wakiillada ururka shaqaalaha gaadiidku kuu caawiyaan waa inaad xubin ka tahay ururka shaqaalaha isku tagga gaadiidka Sweden -Svenska Transportarbetareförbundet. Wakiillada goobaha ayeyna ku xiran tahay sida ay wakhti u hayaan iney ku caawiyaan iyo in kale haddii intii aanay dhibaatadu bilaaban aadan xubin ka ahayn ururka. Keli kuma ihid su’aalaha aad qabto. Dad badan ayaa taageero iyo talooyin uga baahan ururka shaqaalaha. Nasiib darro wakhti dheeri ah ayay iminka qaadanaysaa in jawaab la helo.
www.transport.se

Khasnadda shaqa la’aanta A-kassa

Dawladdu waxay go’aamisay in la sahlo taageerada laga helo khasnadda shaqa la’aanta. Muddada ka harsan sannadka 2020 waxaa ku filan inaad saddex bilood xubin ka ahayd si aad xaq ugu yeelato gunnada sanduuqa shaqa la’aanta, mag dhow ku saleeysan dakhligaagii. Inta uu mag dhowgu le’eg yahay waxay ku xiran tahay dakhligii ku soo geli jirey iyo muddadii aad shaqeeymaysay. Ugu badnaan waa 1 200 oo koron maalintii.
Ciddii in ku filan aan xubin ka ahayn sanduuqa shaqa la’aanta, ama shaqeeysay wax yar, waxay helaysaa magdhowga aasaasiga. Waa dhaqaale iminka ugu badnaan gaarsiisan 8 000 oo koron bishii.
Maalmihii mushaar la’aanta ayaa la joojiyey: Adiga xaqa u leh gunnada khasnadda shaqa la’aanta waxaad mushaar u leedahay laga bilaabo maalinta ugu horreeysa ee aad shaqa la’aan noqotid oo aad iska diiwaan gelisay xafiiska shaqada.
Shirkadleyda ayay uga sahlan tahay iney helaan gunnada shaqa la’aanta. Shirkaddaada ayaad fariisin/nasiinno gelin kartaa.

Haddii aad taksi wado waxaa jira khasnadda shaqa la’aanta ee ururka gaadiidlayda. Dadka ka shaqeeya halkaa ayaa aqoon badan u leh shuruudaha shaqaalaha gaadiidka. Bogga shaqaalaha ururka gaadiidka waxaa laga heleyaa warbixin ku qoran iswiidhish iyo ingiriisi: www.transportsakassa.se

Khasnadda shaqa la’aanta kolka aad iskaa shaqada uga tagto

Qaar badan oo khidmad un ku kaxeeya ayaanu wax dakhli ah soo gelin bilihii u dambeeyey.

Waxaad dooran kartaa inaad adigu is ruqseeyso oo aad xaq u yeelato gunnada shaqa la’aanta.

Dhibaatadu waxay tahay un inay jirto muddo aadan xaq u yeelanayn gunno. Cidda iyadu shaqada iska ruqseeysa waxaa gunnada khasnadda laga xiraa 45 maalmood = oo u dhiganta 9 toddobaad oo aadan mag dhow lahayn.

Waxaa jira suurtagal looga baxsan karo muddadaa dheer ee mag dhow la’aanta ah:

Adigaaga ku maceeysha mushaar buuxa oo khidmad ah (provision) waxaad leedahay sabab ansax ah inaad shaqada adigu iska ruqseeyso haddii aanu wax mushaar ah ku soo gelin muddo saddex toddobaad oo shaqa buuxda ah.

  • Si haddaba aad lacag uga hesho khasnadda shaqa la’aanta waa inaad tusto waraaqahaagii hore ee mushaarooyinkii aad qaadatay caddeeyneya,  waraaqo inaad mushaar horey u qaadatay.

Middan ma khuseeyso dadka leh mushaar dammaanad ah. Markaa waxaa shaqeeyn ka xiriddii 45 maalmood ee khasnadda shaqa la’aanta.

Shaqo ka fariisin gaaban/shaqo saacado kooban

Laga bilaabo 7 abriil waxay shirkaduhu shaqada ka fariisin karaan shaqaalahooda. Waxay ka macne tahay in adigaagan shaqaalaha ah aad gurigaaga joogi karto adiga oo mushaarkaagii uu kuu socdo.

Dawladda ayaa go’aamisay inay bixiso kharashkaa si loo badbaadiyo intii suurtagal ah shirkado iyo goobo shaqo intaba. Si kale haddii loo yiraahdo waxaa lagu magacaabaa Shaqo ka fariisin gaaban/shaqo saacado kooban.

Ugu badnaan waxaa shaqada lagaa fariisin karaa 60 boqolkiiba, si aad inta kale shaqada u joogto. Ciddii shaqada laga fariisiyo waxay xaq u yeelaneeysaa markaa 92,5 boqolkiiba ee mushaarkiisii caadiga ahaa. (Laga bilaabo 1-da bisha maajo illaa saddexda bilood ee xigta wuxuu shaqa bixiyuhu uu shaqaalaha ka fariisin karaa shaqadooda 80 boqolkiiba. Markaa wuxuu shaqaaluhu xaq u yeelaneyaa 88 boqolkiiba ee mushaarkiisii.)


Ururka gaadiidleeydu ma ogola in shaqa bixiyuhu uu wakhti isku mid ah shaqaalaha ka fariisiyo, isla markaana ka ruqseeyo shaqada. Haddii shaqada digniin lagaa siiyay guriga kuma sugnaan kartid oo shaqada lagaama fariisin ama yareeyn karo muddada ruqsaddu ka hirgaleeyso.

Ka digid khiyaamo!

Shirkadaha qaarkood ayaa isku daya iney wax is daba mariyaan sidii ey dawladda uga heli lahaayeen dakhli ku saabsan shaqo ka fariisin gaaban. Shaqaalaha ayaa lagu khasbaa iney ogolaadaan in shaqada laga fariisiyo/laga yareeyo iyaga oo shaqeeyneya shaqo buuxda. Shaqo bixiyaha ayaa ku handada shaqaalaha iney shaqadooda waayi doonaan haddii aaney ogolaan khiyaamada. Waa mid khaldan.

Khiyaamada noocan ah waa musqmaasuq. Shirkadleyda lagu helo ayaa dembi loo raacan doonaa. Wakaaladda kobaca oo masuuliyad ay ka saaran tahay miisaaniyadda ka fariisinta/dhimista shaqo, ayaa boliiska ku dacweeysa cida looga shakiyo musuq.

  • Darawal ahaan haddii ay kula soo gudboonaato: La xiriir laantaada ururka shaqaale si aad uga talo hesho. Xitaa waxaa ururka shaqaalaha la soo xiriiri kara cid aan xubin ka ahayn, wayna wanaagsan tahay in ururka gaadiidleeydu uu ka war helo xaaladda musuqa. Waxaa sidoo kale si toos ah loola socodsiin karaa wakaaladda koboca – Tillväxtverket.

Midda ugu daran

Waddada ugu dambeeysa ayaa ah ceeydha. Waa inaad marka hore isku dayday waddooyinka kale, sida inaad taageero ka hesho khasnadda shaqa la’aanta. Haddii aad tahay shaqa la’aan waa inaad ka diiwaan gashan tahay xafiiska shaqada.

  • Waxaad dhaqaalaha taageerada ceydha ka dalbanaysaa laamaha adeegga bulshada ee degmada aad qortay inaad ka diiwaan gashan tahay. Laanta adeegga bulshadu waxay dadka qaarkii u sameeyn kartaa iney tijaabo baaritaan ah sameeyso si ey uga caawiso masruufka iyo kirada.

Gunnada ceydha, ”socialbidraget”, waxaa loogu talo galey taageero lacageed oo ku meel gaar ah. Uma baahnid inaad gaarigaaga ama gurigaaga iibiso si aad ku hesho caawinaad muddo gaaban ah.

Vad tycker du? Kommentera gärna artikeln!

Vi tar gärna del av dina åsikter. Glöm inte att hålla god ton i din kommentar – personpåhopp, sexism, rasism eller osakligheter tolereras inte och kommer inte att publiceras. Redaktionen behöver en e-postadress där vi kan nå dig, den publiceras inte. Obligatoriska fält är märkta *

  1. Växelhäxan:
    27 april, 2020

    Bra! All information måste ut! Jobbar som växelhäxa och vet att det finns en del övrigt att önska när det gäller språkkunskaperna där ute i bilarna!

Lästips:

FK: Taxiförare ofta sjukskrivna under pandemin

Covid-19. Taxiförare är ett av de yrken som oftast drabbades av sjukskrivningar under pandemin, visar en ny rapport från Försäkringskassan.

Jouni Talso på hemmaplan, taxistolpen vid Stråket i Råsunda, Solna, där han också bor. Foto: Lilly Hallberg

Seriös taxi oavsett uppdrag

Taxi. Tre dagar före julafton 2012 insåg Jouni Talso att han hamnat rätt – bakom ratten i en taxi. Han trivs fortfarande med friheten och utvecklingsmöjligheterna, även som tomte. Men pandemin har varit oerhört tuff.

Pesten utlöste våldsam förföljelse i jakten på syndabockar. Judar i flera städer på kontinenten anklagades för att sprida smitta, bland annat genom att förgifta brunnar, och dömdes efter tortyr som ”skyldiga”. Nürnbergkrönikan från 1493 visar avrättning på bål.

Pandemier och teorier, pest eller kolera ibland

Farsoter. När nya, tidigare okända sjukdomar härjar ligger det i människans natur att söka orsaker. Också långt bortom Folkhälsomyndighetens förklaringar. Arga gudar, dålig luft, CIA, förgiftade brunnar, mobilmaster och minoriteter har alla pekats ut som skyldiga – teorierna som följer i pandemiers spår är en mörk historia långt före dagens antivaxxare.

Ordningsvakter
Säkerhetsvakterna på utbildningen rollspelar för att öva på vilka situationer som kan lösas utan användning av så kallad pepparsprej. Här har två av dem omhändertagit kursledaren Daniel Thulin och håller honom mot väggen. Foto: Tllda Wendefors

Stort ansvar efter kort utbildning

Arbetsmiljö. För 20 år sedan var ordningsvakten Daniel Thulin en decimeter från att dö av skottet från en AK4. I dag vidareutbildar han säkerhetspersonal runtom i Sverige, med målet att ingen ska behöva gå igenom samma sak som han.

Har du pengar att hämta?
Collage med avtalsförsäkringar

Så billiga är dina försäkringar för arbetsgivaren

Avtalat. Du som jobbar på ett företag med kollektivavtal täcks av försäkringar som ger skydd vid händelser som sjukdom, barnafödsel och arbetsskador. Flera av försäkringarna är helt avgiftsfria för företagen. Varför är det så?

Har du pengar att hämta? Du som varit sjukskriven i mer än 14 dagar, varit föräldraledig eller skadat dig på jobbet kan ha pengar att hämta. Läs mer om dina avtalsförsäkringar på avtalat.se. Foto: Shutterstock

Få vet att försäkringarna finns

Avtalat. Tidningsbudet Elisabet Skoog har snart varit sjukskriven i ett år. Hon får sjukpenning från Försäkringskassan och den kollektivavtalade försäkringen AGS.  Elisabet visste om att den fanns, eftersom hennes skyddsombud (som också var en nära kollega) berättade om försäkringen förra gången hon var sjukskriven.

Andreas Ehm är försäkringsinformatör. Han har hjälpt transportarbetare att få ut 1,5 miljoner från sina försäkringar.

Andreas har dragit in 1,5 miljoner kronor

Transport. Andreas Ehm på Transports Halmstadsavdelning brinner för att informera om försäkringar. Han har hjälpt ett 70-tal personer få ut sammanlagt 1,5 miljoner kronor från Afa Försäkring. Han tror att inte ens hälften av alla transportarbetare vet vilka försäkringar de omfattas av.

Snabbkoll
Snabbkoll om nya LAS. Illustration: Mattias Käll

Det här gäller i nya lagen om anställningsskydd

Arbetsrätt. Sedan 2022 gäller den nya lagen om anställningsskydd, LAS. Lär dig mer om vad som gäller vid uppsägning och vad skillnaderna är mellan att jobba på en arbetsplats som omfattas eller inte av huvudavtalet.

Mobbning
Mobbning på jobbet. Illustration: Unni von Feilitzen

200 000 svenskar mobbas på jobbet

Arbetsmiljö. En ny studie visar att 200 000 personer i Sverige utsätts för mobbning på jobbet. Det leder ofta till depression, ångest och i värsta fall döden. Det kan vara så många som två personer i veckan som begår självmord till följd av mobbning på arbetsplatsen.

Mikael Löwdin. Foto: John Antonsson

Vad kan facket göra?

Arbetsmiljö. Många medlemmar vänder sig till skyddsombuden när de utsätts för kränkande särbehandling eller mobbning på jobbet. – Det är tyvärr mer vanligt än man tror, säger Mikael Löwdin som är Transports regionala skyddsombud i Västerås.

Gert Andersson förberedde sig inför mötet med chefen genom att anteckna vad som hänt, datum och klockslag, varje gång kollegan hade varit elak mot honom.

”Vi måste prata mer om hur vi uppför oss mot varandra”

Arbetsmiljö. Gert Andersson har jobbat på flera arbetsplatser där det har förekommit mobbning och har själv blivit utsatt för kränkningar. På kongressen 2022 lade han fram en motion om att Transport ska verka för mobbningsfria arbetsplatser.

Döden på jobbet
Vägen var avstängd stora delar av dagen efter dödsolyckan, där två lastbilar frontalkrockade, på väg 26/47 mellan Mullsjö och Sandhem i januari förra året.

Fler förlorade livet i arbetsolyckor

Arbetsmiljö. Under förra året dog 65 personer på jobbet i Sverige. Det är det högsta dödstalet på många år. Chaufförer är bland de värst drabbade av dödliga arbetsplatsolyckor.

Kollegahjälpens logga

”Det är viktigt att prata och ventilera”

Arbetsmiljö. Dödsolyckor på jobbet och dödliga trafikolyckor ökade under 2023. För den lastbilschaufför som råkar ut för ett trauma i arbetet finns hjälp att få. En grupp chaufförer och åkare finns där som kamratstödjare genom Kollegahjälpen.

Kultur
Allan Johansson lutad över den soptunna som programledaren Sverker Olofsson använde sig flitigt av i konsumentmagasinet Plus på SVT.

Sopbilar och historia på unikt museum

Renhållning. Landets enda sopbilsmuseum ligger i Blomstermåla. Modeller och fotografier visar hur fordon, maskiner och verktyg för renhållning förändrats under förra seklet. Lokalerna i Folkets hus rymmer också föremål som vittnar om den industri som präglade samhället under 1900-talet.